Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray Tanzania

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa gaaray magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania, halkaas oo ay ku tageen booqasho rasmi ah oo qaadan doonta laba maalmood.

Wasiirka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Julius Nyerere International Airport, waxaana halkaas ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan.

Booqashadan rasmiga ah ayaa la filayaa inay xoojiso xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, socdaalka, iyo horumarinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee Soomaaliya iyo Tanzania.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...