Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si rasmi ah u furay kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab, isaga oo ka hadlay ahmiyadda mashruucan uu u leeyahay dowlad-dhiska dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in Mashruuca Dowlad-Kaab uu yahay tiir muhiim u ah ajendaha dowlad-dhiska, gaar ahaan xoojinta dowladaha hoose. Wuxuu tilmaamay in tan iyo markii mashruuca la bilaabay la gaaray horumarro wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin:

Dhammaystirka iyo hirgelinta siyaasado iyo habraacyo heer Federaal, Dowlad-Goboleed iyo degmo, sida Siyaasadda Qaran ee Maamul-Daadejinta, Xeerka Ururka Dowladaha Hoose, iyo istaraatiijiyadaha iyo habraacyada maaliyadda iyo adeeg-bixinta. Xoojinta nidaamyada maaliyadeed, iyadoo la hirgeliyay hannaan casri ah oo lagu maareeyo dakhliga iyo kharashaadka si loo helo isla-xisaabtan dhab ah.Kor u qaadidda awoodda shaqaalaha wasaaradaha, Maamulka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka mashruucu taageero.

Horumarinta nidaamyada dijitaalka ah si loo fududeeyo adeeg-bixinta loona yareeyo dib-u-dhacyada iyo khaladaadka.

Degmooyinka uu mashruucu ka shaqeeyo oo dhammaantood ku daray qoondo lacageed oo dhan 3% kharashaadka mashruuca, taas oo muujinaysa lahaansho iyo ka-go’naansho.

Wasiir Cali Xoosh ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in Mashruuca Dowlad-Kaab uusan ahayn oo keliya mashruuc horumarineed, balse uu yahay hannaan lagu dhisayo kalsoonida shacabka iyo dowladnimada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...