Qorshaha dhismaha wadooyinka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo laga shiray

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Cumar Cali Afrax ayaa guddoomiyay shir muhiim ah oo looga hadlay qorshaha dhismaha waddooyinka iyo nidaamka bulaacadaha ( Drainage System) ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Muddada shirka uu socday waxaa si weyn loogu gorfeeyay qorshaha iyo naqshadda wadooyinka gudaha garoonka iyo dhismaha nidaam bulaacado oo tayo leh, si loo xoojiyo bilicda, amniga iyo habsami u socodka adeegyada garoonka.

Sidoo kale, Mas’uuliyiintu waxay isla garteen muhiimadda uu mashruucani u leeyahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sare u qaadista tayada adeegyada Garoonka diyaaradaha, iyadoo mashruucan uu qeyb ka yahay hirgelinta Mashruuca Nagaad oo ay taageerayso World Bank.

Shirka, sidoo kale, waxaa ka qeyb galay Maareeyaha Garoonka Mudane Cabdinaasir Gurey iyo Maareeye Ku-xigeenka Mudane Daa’uud Axmadeey, iyo sidoo kale Agaasimayaasha Waaxaha Qorsheynta iyo waaxda Horumarinta Garoomada Diyaaradaha.

Waxaa kaloo qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’ada UNOPS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

Magaalada Nairobi ayaa lagu qabtay munaasabad mahadnaq iyo soo...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ayaa saakay dil toogasho ah...

Baarlamaanka Dalka oo ka dooday cutubka 6-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya

War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay, una...