Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Fiqi), ayaa si weyn u ammaanay waxqabadkii Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, gaar ahaan doorkii uu ka qaatay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in intii uu Taliye Odawaa xilka hayay ay Ciidamada Xoogga Dalka ku tallaabsadeen horumarro muuqda oo dhanka hawlgallada amniga ah, isla markaana dhabar-jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxaha Khawaarijta. Wuxuu xusay in deegaanno badan oo istiraatiiji ah laga xoreeyay gacanta argagixisada, halkaas oo lagu dilay horjoogayaal sare iyo maleeshiyaad tiro badan.
“Waxaan ku amaanayaa Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, Odawaa Yuusuf Raage, intii uu xilka joogay, in dhabar-jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxaha Khawaarijta, lagana saaray deegaanno badan, iyadoo la dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad aad u badan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in guulahaasi ay ka dhasheen wada-shaqeyn dhow oo u dhexeysay Ciidamada Xoogga Dalka, hay’adaha amniga, iyo shacabka, isaga oo xusay in dowladda ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso ciidamada si loo joogteeyo nabadda iyo xasilloonida dalka.
Ugu dambeyn, Wasiir Fiqi ayaa ku boorriyay hoggaanka cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka inay sii laba jibbaaraan dadaallada amni, isla markaana ay sii ambaqaadaan hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah, si loo xaqiijiyo amni waara oo ka hanaqaada guud ahaan dalka.
