Raโ€™iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb galay xil-wareejinta Taliyaha CXDS

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya, taas oo si rasmi ah loogu kala wareejiyay hoggaaminta ciidanka.

Munaasabadda ayaa Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, xilka kala wareegay Taliyihii hore, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, iyadoo munaasabadda ay ku qabsoontay jawi rasmi ah oo muujinaya kala dambeyn, hufnaan iyo xushmad hoggaamineed.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ku bogaadiyay Taliyihii hore dadaalkii iyo guulihii uu ka gaaray hoggaaminta Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Sidoo kale, Raโ€™iisul Wasaaruhu wuxuu hambalyo iyo dardaaran u jeediyay Taliyaha cusub, isagoo ku boorriyay inuu sii ambaqaado dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, midnimada iyo tayeynta ciidanka.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka socday Baarlamaanka Federaalka, saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, safiirro, diblomaasiyiin, iyo marti sharaf kale, kuwaas oo dhammaantood muujiyay taageero iyo garab istaag ku aaddan hoggaanka cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Xil-wareejintan ayaa ku soo aadeysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dardargelinayso dib-u-habeynta hayโ€™adaha amniga, si Ciidamada Xoogga Dalka ay si buuxda ula wareegaan masโ€™uuliyadda sugidda amniga dalka, una sii wadaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...