Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Date:

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay’adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA), Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) iyo Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha (DPA) ayaa si wadajir ah u qaban doona Shirweyne Qaran oo ah midkii ugu horreeyay ee Kaabeyaasha Dijitaalka (Digital Public Infrastructure Summit – DPI).

Shirweynahan, oo ah mid taariikhi ah, ayaa ka dhici doona magaalada Muqdisho 14–15 Febaraayo, waxaana lagu wadaa inuu noqdo madal qaran oo lagu xoojiyo wadahadalka, is-dhexgalka iyo is-waafajinta dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dijitaalka ee dalka.

Ujeeddada shirweynahan ayaa ah in la dhiso aragti qaran oo mideysan oo ku saleysan horumarinta iyo isku-xirka nidaamyada dijitaalka ah, si loo xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, loona dardargeliyo isbeddelka dijitaalka ee Soomaaliya, iyadoo la hubinayo hufnaan, isla xisaabtan iyo adeegyo casri ah oo ay helaan muwaadiniinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale