Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Date:

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahadceliyey Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda, oo ah isbeddel muhiim ah oo wax ka qabanaya caqabado muddo dheer ka jiray nidaamka badda ee dalka.

Xeer-nidaamiyahani wuxuu dhisayaa hannaan sharci oo mideysan oo lagu diiwaangeliyo maraakiibta Calanka Soomaaliya, wuxuu adkeynayaa badbaadada, kormeerka iyo ilaalinta sumcadda calanka, isla markaana wuxuu xaqiijinayaa u hoggaansanaanta heshiisyada caalamiga ah ee badda.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale sheegay in tani tahay tusaale cad oo muujinaya go’aanka Xukuumadda ee ku aaddan xalinta dhibaatooyinka Soomaaliya iyada oo loo marayo dib-u-habeyn iyo dhisid hay’adeed oo hufan.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, ayaa ku bogaadinayay madaxda Sare ee Dalka dadaalkooda, aragtidooda fog iyo taageeradooda joogtada ah ee lagu hormarinayo Dowlad-wanaagga, kalsoonida caalamiga ah iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...