Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Date:

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahadceliyey Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda, oo ah isbeddel muhiim ah oo wax ka qabanaya caqabado muddo dheer ka jiray nidaamka badda ee dalka.

Xeer-nidaamiyahani wuxuu dhisayaa hannaan sharci oo mideysan oo lagu diiwaangeliyo maraakiibta Calanka Soomaaliya, wuxuu adkeynayaa badbaadada, kormeerka iyo ilaalinta sumcadda calanka, isla markaana wuxuu xaqiijinayaa u hoggaansanaanta heshiisyada caalamiga ah ee badda.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale sheegay in tani tahay tusaale cad oo muujinaya goโ€™aanka Xukuumadda ee ku aaddan xalinta dhibaatooyinka Soomaaliya iyada oo loo marayo dib-u-habeyn iyo dhisid hayโ€™adeed oo hufan.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, ayaa ku bogaadinayay madaxda Sare ee Dalka dadaalkooda, aragtidooda fog iyo taageeradooda joogtada ah ee lagu hormarinayo Dowlad-wanaagga, kalsoonida caalamiga ah iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka...