𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.

Date:

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo loo magacaabay Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo leh khibrad shaqo ciidan oo 18 sano ah, iyo aqoon waxbarasho oo gaarsiisan heerka labaad ee jaamacadda.

Golaha ayaa kulankoodii maanta oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre uga hadlay amniga dalka iyo dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha Khawaarijta ah, iyada oo goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidamada qalab-sida ka gaarayaan dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada, gaar ahaan dagaalkii ka dhacay deegaanka Jabad-Godane, halkaas oo Khawaarijta looga dilay in ka badan 550 horjooge, kuwaas oo 80 ka mid ah ay yihiin ajaanib.

Shirka Golaha ayaa dhanka kale lagu magacaabay guddi heer wasiir ah oo ka shaqayn doona la-dagaallanka tahriibka, kuwaas oo ka kooban lix wasaaradood iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Ugu dambayn, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey Axdiga Dhisidda Hey’adaha Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...