Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon. Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay Agaasimaha Guud ee cusub, Mudane Cabdulqaadir Cali.

Kulanka oo diiradda lagu saaray howlaha maamul iyo shaqo ee Wasaaradda, jiheynta istaraatiijiga ah iyo qorshayaasha mustaqbalka gaar ahaan mudnaanta Wasaaradda ee sanadka 2026

Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale kawada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta howlaha hortabinta leh, sida dadaallada dib-u-heshiisiinta, horumarinta arrimaha federaalka, taageeridda hawlaha xasillinta, iyo kor u qaadista hufnaanta iyo waxqabadka hay’adaha Wasaaradda.

Wasiirka ayaa sheegay in wada-shaqayn dhow iyo isla-xisaabtan joogto ah ay muhiim u yihiin gaarsiinta Wasaaradda yoolalka iyo adeegyada ay bulshada u hayso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...