Wasiir Cadaay oo kormeeray dugsiyada degmada Matabaan

Date:

Wasiir dowlaha Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose ee Hirshabeelle, Dr. Xasan Cadaay, ayaa kormeer shaqo ku sameeyay qaar ka mid ah dugsiyada degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wasiirku wuxuu booqday saddex dugsi oo muhiim ah: Al-Ma’muun, Al-Furqaan iyo Ugaas Nuur, isagoo warbixin ku saabsan xaaladooda iyo adeegyada waxbarasho ka dhageystay maamulka degmada iyo mas’uuliyiinta waxbarashada.

Intii uu kormeerku socday, Wasiirka waxaa wehelinayay Wasiiru-dowlaha Warfaafinta Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale, Wasiir Cadaay ayaa ka qayb galay munaasabadda xil-wareejinta guddoomiyaha cusub ee degmada Matabaan, Maxamed Maxamuud Maxamed (Dhoobooy).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...