Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga (NIRA)

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA).

Shirkan sanadkan waxaa lagu soo bandhigayaa guulaha ay dowladda ka gaartay bixinta adeegyo dadweyne oo bilaash ah, kuwaas oo si hufan, habeen iyo maalin loogu adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxaana shirweynahan ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah iyo marti-sharaf kale.

Maareeyaha NIRA, Mudane Abdiwali Timacadde, oo khudbad ka jeediyay shirka, ayaa sheegay in muddadii ay hay’addu shaqaynaysay ay diiwaangelisay in ka badan hal milyan oo qof, isagoo xusay in saddexda sano ee soo socda ay qorsheynayaan inay diiwaangeliyaan 15 milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

Sidoo kale, shirkan oo soconaya laba maalin, waxaa lagu soo bandhigayaa doodo iyo cilmi-baarisyo lagu kobcinayo nidaamka Aqoonsiga Qaranka. Sanadkan, halku-dhigga shirku waa:

“Taabagelinta Kaabayaasha Aasaasiga ah ee Adeegsiga Aqoonsiga Qaranka.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...