Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda ciyaaraha, ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee uu gaaray Garsooraha heerka caalami ee Soomaaliyeed, Mudane Cumar Cabdulqaadir Cartan, oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha Sanadka ee Afrika 2025, taas oo uu siiyay Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF).
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in guushan ay astaan u tahay kartida, hal-adeygga iyo xirfadda sare ee ay leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo xusay in Garsoore Cumar uu si sharaf leh ugu matalay magaca ummadda Soomaaliyeed fagaarayaasha caalamka.
“Garsoore Cumar Cartan wuxuu astaan u yahay dadaalka iyo xirfadda dhallinyaradeenna. Wuxuu sare u qaaday magaca Soomaaliya, wuxuuna guul taariikhi ah kasoo hooyay masraxa ciyaaraha caalamka,” ayuu yiri Madaxweynaha.
