Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan la qaatay Wasiirrada maamul goboleedyada dalka.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirrada Dastuurka ee dowlad-goboleedyada, kaas oo diiradda lagu saaray geeddi-socodka dhammaystirka Dastuurka Kumeel-gaarka ah, oo ah mid kamid ah howlaha hortabinta u leh xukuumadda.

Kulanka waxaa lagu falanqeeyay horumarka laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka, oo ay ka mid yihiin dhammaystirka warbixinta cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka iyo gudbintooda Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka, halka cutubyada 1–4aad horey loo ansixiyay.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu xoojiyay dardargelinta latashiyada lagu sameynayo cutubyada harsan ee 10-aad ilaa 15-aad. Wasiir Xasan Macallin ayaa carrabka ku adkeeyay in xukuumadda ay ka go’an tahay dhameystirka Dastuurka, ayna ku howlan yihiin diyaarinta farsamo ee cutubyadaas si baarlamaanka loogu gudbiyo.

Dhankooda, wasiirrada dastuurka ee dowlad-goboleedyada ayaa la wadaagay kulanka guulaha ay ka gaareen latashiyada dastuurka, waxayna ballanqaadeen in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Wasaaradda iyo Guddiyada Dastuurka si loo dhameystiro Dastuurka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...