Madaxweynaha JFS oo booqday Warshadaha kala duwan ee ku yaalla dalka Aljeeriya. 

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ubax dhigay Taallada Shuhadada ee dalka Aljeeriya oo lagu xusuusto halyeeyadii naf-hurnimada ku bixiyay halgankii xornimada iyo difaaca qarannimada dalkaas. Madaxweynaha ayaa tilmaamay taariikhda halgan-wadaagga ah ee ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Aljeeriya, kuwaas oo ka mid ahaa dalalkii hormuudka ka ahaa halgankii xornimadii Afrika.

Madaxweynaha oo maalintiisii labaad ku sugan dalka Aljeeriya ayaa booqday Masaajidka Weyn ee Jaamaca Aljeeriya, halkaas oo uu kula kulmay culimada dalkaas, kuwaas oo guddoonsiiyay xusuus reeb ku saabsan booqashada Madaxweynaha. Culimadu waxay sidoo kale la wadaageen mowqifkooda ku aaddan in ay si cad uga soo horjeedaan fikirka xagjirnimada iyo argagixisada ee dhiigga shacabka Soomaaliyeed lagu daadinayo.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Warshadda Daawooyinka ee dalka Aljeeriya iyo Xarunta Garaadka Macmalka ah (Artificial Intelligence Center), halkaas oo uu warbixino ku saabsan wax-soosaarka iyo adeegyada xarumahaasi ka dhegeystay maamulka iyo agaasimayaashooda.
DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...