Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda

Date:

Faallo; Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa sii xoojinaya xiriirkooda taariikhiga ah, kadib booqasho rasmi ah oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Aljeeriya, isagoo ka jawaabaya martiqaad uu ka helay dhiggiisa, Madaxweyne Cabdul-Majiid Tebbuun.

Booqashadan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, ganacsiga, waxbarashada iyo xiriirka diblomaasiyadeed.

Booqashada ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Aljeeriya, kuwaas oo wadaaga taariikh halgan ah oo ka dhanka ahaa gumeystihii iyo xiriir qotodheer oo ku saleysan aqoonsiga Carbeed iyo Afrikaannimo.

Sanadihii u dambeeyay, Soomaaliya waxay dib u soo ceshatay kaalinteedii siyaasadeed ee gobolka, halka Aljeeriya ay xoojisay doorkeeda diblomaasiyadeed ee Qaaradda Afrika, taas oo horseedday in xiriirka labada dal uu yeesho jihada cusub ee is-faham iyo wada-shaqeyn.

Dhinaca amniga, labada dhinac waxay ka wada hadli doonaan iskaashi ku aaddan la-dagaallanka argagixisada, xagjirnimada iyo kor u qaadidda awoodda hay’adaha amniga.

Aljeeriya oo caan ku ah waayo-aragnimadeeda dhinaca amniga iyo heshiisiinta Qaran ayaa la filayaa in ay la wadaagto Soomaaliya khibraddeeda, si loo xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida Geeska Afrika iyo gobolka Saaxil.

Dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga, waxaa la filayaa in booqashadu ay horseeddo fursado cusub oo la xiriira maalgelinta, is-weydaarsiga badeecooyinka, adeegyada kale iyo in la dhiirrigeliyo xiriirka u dhexeeya ganacsatada labada dal.

Waxaa kale oo laga wada hadli doonaa sidii loo furi lahaa waddooyin cusub oo duulimaad iyo dekedaha ah oo fududeyn doona safarka iyo ganacsiga u dhexeeya Muqdisho iyo Aljeers.

Dhinaca waxbarashada iyo dhaqanka, Soomaaliya waxay doonaysaa in ay xoojiso iskaashiga Jaamacadaha Aljeeriya, si ardayda Soomaaliyeed ay ugu helaan fursado waxbarasho oo tayo leh, gaar ahaan culuumta caafimaadka, injineerinka iyo cilmiga siyaasadda.

Aljeeriya ayaa sidoo kale lagu xusaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda in ay tahay dal gacan weyn ka geysta horumarinta waxbarashada Carabiga iyo Islaamka ee Afrika.

Booqashada Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ee Aljeeriya ma aha oo kaliya munaasabad diblomaasiyadeed, balse waa tallaabo cusub oo lagu dhisayo xiriir istiraatiiji ah oo ku saleysan dano wadaag iyo iskaashi dhanka amniga, horumarka iyo waxbarashada, taas oo kor u qaadaysa danaha labada shacab iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...