Safiirka Soomaaliya ee dalka Congo oo laga guddoomey Waraaqihiisa Aqoonsiga

Date:

Safiirka JFS ee dalka Congo Mudane, Ilyaas Cali Xasan, ayaa si rasmi ah uga guddoomay Waraaqihiisa Aqoonsiga Madaxweynaha dalka Congo DRC, Mudane Félix Antoine Tshisekedi Tshilombo, kadib munaasabad ka dhacday qasriga Qaranka ee Kinshasa.

Danjire Ilyaas ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo taageerada ay dowladda iyo shacabka Congo siiyaan bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas.

Safiirku waxa uu sidoo kale hambalyo u diray Madaxweyne Tshisekedi guusha ay DRC ku gaartay ku biirista Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo xusay in Soomaaliya oo xubin ka ah golahaasi ay diyaar u tahay in la iska kaashado arrimaha gobolka iyo caalamkaba.

Danjiraha ayaa mar kale adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal.

Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in la aasaaso Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Congo si kor loogu qaado ganacsiga iyo maalgashiga ee labada dal.

Ugu dambeyn, Danjire Ilyaas ayaa Madaxweynaha ku dhiirrigeliyay in la fududeeyo helista rukhsadaha ganacsiga iyo fiisayaasha si loo xoojiyo isu socodka ganacsatada labada dal, maadaama ay xubin ka wada yihiin Ururka Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...