Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka

Date:

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi, ayaa kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan.

Inta lagu guda jiray kulanka, guddiga waxay wasiirka ka dhageysteen warbixin faahfaahsan oo ku saabsan:

Dhacdadii dhawaan ka dhacday iridda hore ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, oo ay hooyo Soomaaliyeed ku hor umushay; dhacdo taabatay shucuurta shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda dalka. Wasiirku wuxuu caddeeyay in isla xisaabtanka iyo baaritaannada la xiriira arrintaasi ay socdaan.

Adeegyada kala duwan ee Isbitaalka, oo ay ka mid yihiin:

Daryeelka hooyada iyo dhallaanka,Cudurrada guud

Qaybta gargaarka degdegga ah

Nafaqo darrida carruurta

La–tacaalida cudurrada HIV iyo Cancer Qayb kasta waxaa ka howlgala dhaqaatiir takhasus gaar ah leh, sida uu wasiirku xusay.

Caqabadaha jira, oo uu wasiirku ku sheegay kuwa ugu waaweyn: shaqaale yaraanta marka loo eego tirada bukaannada badan, taas oo mararka qaarkood keenta in adeegyadu ku dheeraadaan.

Kadib kulanka, guddigu waxay kormeer shaqo ku tageen Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, iyagoo booqday qeybaha kala duwan, islamarkaana si toos ah ula hadlay qaar ka mid ah bukaannada.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ayaa u mahadcelisay guud ahaan howl-wadeenada caafimaadka, kuna dhiirrigelisay shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale ballanqaadday in guddigu door muuqda ka qaadan doono horumarinta adeegyada iyo daboolista baahiyaha ka jira isbitaalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...