Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa Wakiilka ahna Agaasimaha Hay’adda Qaramada Midoobay ee Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) Soomaaliya, Mudane Elkhidir Daloum.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, iyadoo loo eegayo waxyaabaha mudnaanta qaran u leh Soomaaliya, gaar ahaan ka jawaab-celinta xaaladaha bini’aadantinimo, amniga cuntada iyo horumarka waara.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa dadaallada wadajirka ah ee lagu dabooli lahaa baahiyaha bulshooyinka nugul iyo taageeridda barnaamijyada dhisidda adkeysiga ee dalka oo dhan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...