Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen oo ka warbixiyey xaallada ay ku sugan yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Yemen

Date:

Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen, Danjire Cabdixakiin Xaaji Maxamed oo marti ku ahaa Barnaamujka ka baxa warbaahinta qaranka ee kulanka toddobaadka ayaa ka hadlay xiriirka saaxiibtinimada qotada dheer ee ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Yemen.

Safiirka ayaa xusay in xiriir qota dheer leeyihiin labadda dowladdood xiriirkaas oo ku dhisan iskaashiga dhinacyada ganacsiga,Amniga iyo diblomaasiyadda,safiirka ayaa ka waramay xaallada ay ku sugan yihiin qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen.

Safiirka ayaa xusay in dalka Yemen ku nool yihiin qaxooti Soomaaliyeed iyo Jaaliyad Soomaaliyeed xaalladooduna tahay mid wanaagsan ka safiir ahaan na uu booqday xeryaha qaxootiga sidoo kalena la kulmay guddiyadda ay leeyihiin isagoo ka dhegaystay cabashooyinka ay qabaan.

Safiirka ayaa sheegay in dowladda Yemen u balan qaaday in ay wax qabanayso cabashada qaxootiga Soomaaliyeed “Cabashada qaxootiga Soomaaliyeed waxaan kala hadlay mas’uuliyiinta dowladda Yaman, oo ugu horreyn Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaas.”ayuu yiri safiirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...