Soomaaliya iyo FAO oo ka wada hadlay sidii laysaga kaashan lahaa mashaariicda mustaqbalka

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane, Maxamed Shire ayaa la kulmay Wakiilka FAO ee Soomaaliya, Mudane Etienne Peterschmitt.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo sidii barnaamijyadda iyo mashaariicda mustaqbalka ee FAO loo waafajin lahaa Qorshaha Isbedelka Qaranka.

Sidoo kale, labada dhinac waxay si gaar ah uga wada hadleen Barnaamijka Adkaysiga Wadajirka (Joint Resilience Programme – JRP) iyo Qorshaha Soomaaliya ee u-Diyaargarowga Sugnaanta Cuntada (Somali Food Security Preparedness Plan – SFSPP), kuwaas oo xoogga saaraya adkaysiga bulshooyinka, amniga iyo sugnaanta cuntada.

Ugu dambayn, waxaa lagu heshiiyay in la sameeyo dib-u-eegis istiraatiijiyadeed oo joogto ah oo lagula soconayo horumarka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...