Soomaaliya iyo FAO oo ka wada hadlay sidii laysaga kaashan lahaa mashaariicda mustaqbalka

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane, Maxamed Shire ayaa la kulmay Wakiilka FAO ee Soomaaliya, Mudane Etienne Peterschmitt.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo sidii barnaamijyadda iyo mashaariicda mustaqbalka ee FAO loo waafajin lahaa Qorshaha Isbedelka Qaranka.

Sidoo kale, labada dhinac waxay si gaar ah uga wada hadleen Barnaamijka Adkaysiga Wadajirka (Joint Resilience Programme – JRP) iyo Qorshaha Soomaaliya ee u-Diyaargarowga Sugnaanta Cuntada (Somali Food Security Preparedness Plan – SFSPP), kuwaas oo xoogga saaraya adkaysiga bulshooyinka, amniga iyo sugnaanta cuntada.

Ugu dambayn, waxaa lagu heshiiyay in la sameeyo dib-u-eegis istiraatiijiyadeed oo joogto ah oo lagula soconayo horumarka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka NISA oo howlgal guuleystay ka fuliyay Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC Mudane...

Wasaaradda Ganacsiga oo bogaadisay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha...

Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka

Faallo; Burburkii dawladdii dhexe ka dib, Soomaaliya waxay soo...