Wafdi ka socda Baarlamaanka dalka oo Geneva uga qaybagalaya Shirka Baarlamaanada Adduunka

Date:

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeyb galay furitaanka kalfadhiga 151-aad ee Shirweynaha Baarlamaanka Aduunka (IPU).

Shirka sanadkan waxa uu diiradda saaraya ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo taageeridda howlaha bani’aadantinimo xilliyada dhibaatooyinka ka jira caalamka. Inta uu shirka socdo, ka qeybgalayaasha ayaa ka doodi doona arrimahan, sidoo kalena is-weydaarsan doona aragtiyo iyo talooyin ku saabsan sida wax looga qaban karo.

Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee Soomaaliya, guulaha dowladda ay ka gaartay la dagaalanka argagixisada iyo amniga, iyo sidoo kale arrimaha ku saabsan halkudhigga shirka ee sanadkan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Afhayeenka Madaxtooyada “Madaxweynaha Qaranka wuxuu Baydhabo u joogaa adkeynta nabadda iyo dhisidda nidaam maamul oo dimuqraadi ah”

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), oo magaalada...

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi,...