Wafdi ka socda Baarlamaanka dalka oo Geneva uga qaybagalaya Shirka Baarlamaanada Adduunka

Date:

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeyb galay furitaanka kalfadhiga 151-aad ee Shirweynaha Baarlamaanka Aduunka (IPU).

Shirka sanadkan waxa uu diiradda saaraya ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo taageeridda howlaha bani’aadantinimo xilliyada dhibaatooyinka ka jira caalamka. Inta uu shirka socdo, ka qeybgalayaasha ayaa ka doodi doona arrimahan, sidoo kalena is-weydaarsan doona aragtiyo iyo talooyin ku saabsan sida wax looga qaban karo.

Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee Soomaaliya, guulaha dowladda ay ka gaartay la dagaalanka argagixisada iyo amniga, iyo sidoo kale arrimaha ku saabsan halkudhigga shirka ee sanadkan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...