Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka EAC

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, kuwaas oo ay shalay doorteen Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo kulanka furay ayaa ugu horeyn Xildhibaanadda ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda cusub ee loo doortay, waxa uuna sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay ka sugeyso wax qabad muuqda iyo matalaad dhab ah.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Urur Gobaleedkae Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka dalka uga mahadceliyay sida kalsoonida leh ee ay ugu doorteen in ay Soomaaliya ku metelaan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda cusub ee Soomaaliya ku meteli doona Urur Gobaleedkae Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika kula dardaarmay mas’uuliyadda ka saaran in ay si dhab ah qaranka Soomaaliyeed ugu matalaan Baarlamaanka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka Golaha Nabadda iyo Amniga AU ee AUSSOM iyo Suudaan

Mudane Cabdisalaam Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga...

Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka ee Dalka  Aljeeriya

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS oo Qaar ka mid ah Ciidanka XDS ka saaray liiska Ciidannimada

WAR-SAXAAFADEED Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed...