Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), kaas oo ku saabsan Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee hay’adda ee sanadaha 2026–2030.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si wadajir ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamed Shire, iyo Wakiilka WFP ee Soomaaliya, Mudane El-Khidir Daloum.
Agaasime Maxamed Shire ayaa soo jeediyay warbixin ku saabsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) iyo Qorshaha Iskaashiga Horumarineed ee Qaramada Midoobay (2026–2030), isagoo xusay muhiimadda iswaafajinta yoolalka labada dhinac.
WFP ayaa dhankeeda soo bandhigtay casharro laga bartay qorshihii 2022–2025 iyo jihada cusub ee qorshaha 2026–2030, iyadoo la bogaadiyay wada-shaqeynta iyo ka go’naanta labada hay’adood ee ku aaddan horumarinta Soomaaliya.
Kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray muhiimadda lahaanshaha qaranka, qorsheynta ku saleysan xogta, iyo ka-qaybgalka bulshada si loo xoojiyo nidaamyada cuntada iyo barnaamijyada ilaalinta bulshada.