Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Kenya, kaddib geeridii ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas, Raila Odinga.
Madaxweynaha ayaa xusay kaalintii uu Raila Odinga ku lahaa horumarinta dimuqraadiyadda, nabadda, iyo xasilloonida gobolka, isagoo tilmaamay in uu ahaa siyaasi khibrad iyo karti u leh xalinta khilaafaadka iyo dhiirrigelinta iskaashiga ummadaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caddeeyay in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la wadaagayaan murugada geerida Raila Odinga, oo door muhiim ah ka soo qaatay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.