Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Date:

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

‎‎Shirkan oo ah kii 19-aad ee Wasiirrada dalalka ku bahoobay Ururka Dhexdhexaadka Adduunka ayaa waxaa Soomaaliya ku matalaya Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan Xaadoow, halka ay goobjoog ka tahay Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare.

‎‎Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii dalalka xubnaha ka ah ururkan ay u yeelan lahaayeen hal cod oo mideysan oo caalamka dhan laga maqlo ay yeeshaan iyo in la mideeyo mowqifyada siyaasadeed ee dalalka xubnaha ka ah.

‎‎Intii uu shirku socday, waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay heshiiska xabbad-joojinta ee lagu joojiyay duullaanka iyo tacaddiyada Israa’iil ay ku hayso dhulka Falastiin, iyadoo la isku raacay in qaddiyadda Falastiin ay tahay mid joogto ah oo aan isbeddelayn loogana soo horjeedo dulmiga lagu hayo shacabka reer Falastiin.

‎‎Intaas kadib shirka ayaa loo qaybiyay labo guddi oo kasoo tala bixinaya arrimaha siyaadadda iyo dhaqaalaha ee ururkan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...