Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Date:

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar muhiim ah, kaas oo Soomaaliya ay kula soo wareegayso maareynta madaxbannaan iyo waajibaadkeeda qaran ee arrimaha xuquuqul insaanka, arrin ay dalka ka maqneyd tan iyo sanadkii 1993-kii.

Guushan taariikhiga ah ee Soomaaliya ka gaartay kulankii codbixinta ee ka dhacay magaalada Geneva, Switzerland, ayaa meesha ka saareysa magacaabista qabiirka xuquuqul insaanka, kaas oo dalka loo soo magacaabi jiray labadii sano ee la soo dhaafay.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah guulaha isdaba-joogga ah ee Soomaaliya ka gaartay fagaarayaasha caalamka, iyadoo horey ugu guuleysatay qaadista cunaqabateyntii hubka iyo deyn cafinta.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, oo hoggaamineysa wafdiga Soomaaliya ee ku sugan magaalada Geneva, ayaa arrintan ku tilmaantay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Muqdisho, Feberaayo 19, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in siyaasadda iyo diblomaasiyadda...

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha...