DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada galeen “heshiis qarsoodi ah” oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Eedeymahan waa kuwo been abuur ah, marin-habaab ah, isla markaana aan sal iyo raad toona lahayn. Ma jiro heshiis qarsoodi ah ama shuruudeysan oo Soomaaliya ay la gashay waddan kale oo ku saabsan soo celinta muwaadiniinteeda ama qeybinta gargaarka horumarineed.

Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden waa mid soo jireen ah, kuna dhisan is-ixtiraam iyo sharciga caalamiga ah. Dhammaan wada-shaqeynta iyo wada-xaajoodyada waxaa lagu fuliyaa heer diblomaasiyadeed oo daahfuran, iyadoo lagu hubinayo kormeerka Golaha Wasiirrada iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowliga ah.

Dhammaan gargaarka iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya la siiyo waxaa lagu maamulaa, lana marsiiyaa qaabab daah-furan oo ay ka mid yihiin, sida Bangiga Adduunka, Qaramada Midoobay, iyo habraacyada xisaabaadka ee dowladda dhexe (Country system).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...