Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Date:

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan si rasmi ah loogu qabtay magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisii labaad, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga dhaqaale, fududeynta ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta wax-soo-saarka gudaha ee dalalka xubnaha ka ah ururka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya wufuud heer sare ah oo ka kala socota dalalka xubnaha ka ah EAC, madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, ganacsato, aqoonyahanno iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah. Waxaa sidoo kale la filayaa in lagu saxiixo heshiisyo iskaashi oo dhinacyo badan taabanaya.

Ujeeddada ugu weyn ee shirkan ayaa ah in la dardar geliyo iskaashiga dhaqaale ee gobolka, iyadoo Soomaaliya ay hadda tahay xubin rasmi ah oo ka tirsan EAC. Shirweynahan ayaa fursad u ah dalka in uu si toos ah uga faa’iideysto suuqa weyn ee Bariga Afrika, ayna korodho fursadaha ganacsi, shaqo-abuur iyo maalgashi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund –...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...