Safiirka JFS ee Aljeeriya oo kulan la qaatay Taliyaha Guud ee Booliska dalkaas

Date:

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Danjire Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego), ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Guud ee Booliska Qaranka Aljeeriya, Mudane Cali Badaawi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca ammaanka, gaar ahaan horumarinta awoodda booliska Soomaaliyeed. Labada dhinac ayaa ka wadahadlay kor u qaadidda tababarada gaarka ah, dhismaha hay’adaha booliska, iyo horumarinta hababka casriga ah ee baarista dembiyada, sida baarista faraha, DNA-da iyo goobaha dembiyada.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

40-sanno ka dib Sarkaal Soomaali ah oo ka qalin-jabiyay Akademiyada Ciidanka UK

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka...

Ciidanka NISA oo cashar u dhigay Khawaarijtii weerartay Godka Jilacow

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Hay’adda NISA...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo la kulmay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxames...

Cutubyo ka tirsan Kumaandooska oo loo xiray tababar aqoon-kororsi ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kormeeray...