Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac oo lagu soo dhoweeyay Mareykanka.

Date:

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS, Saalax Axmed Jaamac, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, dalka Mareykanka.

Wafdigan oo safar shaqo ku jooga dalka Mareykanka ayaa la filayaa in ay maanta la kulmaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaasi, si ay uga warbixiyaan xaaladda guud ee dalka iyo horumarka ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya.

Inta ay ku sugan yihiin Mareykanka, oo ay joogayaan muddo saddex cisho ah, waxay sidoo kale kala hadli doonaan jaaliyadda qorshaha isbeddelka qaran ee ay wado xukuumadda Dan Qaran, muhiimadda ay leedahay xoojinta dowladnimada, iyo dhismaha nidaamka federaalka ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale