Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Madaxa ugu sarreeya ee Maamulka Sanduuqa Horumarinta ee Sucuudiga

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhim ah la qaataay Madaxa ugu sarreeya ee Maamulka Sanduuqa Horumarinta ee Sucuudiga,Sultan bin Abdulrahman Al-Marshad.

Kulankan ayaa intii uu socday Dawladda Soomaaliya soo bandhigtay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, kulamada oo sii socon doona ayaana la qorsheeyay in loo bedelo heer farsamo oo lagu lafa-guri doono, arrimaha hortebinta leh iyo inay horseedaan iskaashi dhaqaale iyo maalgashi oo ballaaran.

Wafdiga waxaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ku wehliya Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya Marwo Hodan Aadan Cusman, Maareeyaha Dekadda Muqdisho Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga oo uu hoggaaminayo siihayaha Safiirka, Cabdicasiis Ibraahim Xasan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u...

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...