Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM

Date:

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Elmo Maxamed Nur, ayaa maanta xafiiskiisa kulan muhiim ah kula yeeshay wafdi ka socday hay’adda IOM.

Kulanka waxaa wasiirka ku wehelinayay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Wasaaradda, iyadoo doodda iyo falanqayntu ku saabsaneyd arrimo la xiriira horumarinta adeegyada Bulshada.

Sidoo kale, kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray soo bandhigidda naqshadaha guryaha (Shelter Designs) ee loogu talagalay dadka barakacayaasha ah,dardar-gelinta qorshaha lagu xaqiijinayo helitaanka guryo tayo leh oo qiimo jaban oo loogu talagalay barakacayaasha,dib u eegista iyo xoojinta heshiiska wada-shaqeynta labada dhinac.

Wasaaradda Hawlaha Guud, ayaa mar kale muujisay sida ay uga go’an tahay dardargelinta adeegyada muhiimka ah ee Bulshada, iyadoo la adkaynayo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah si loogu adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan taageerada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...