Hay’adaha King Salman, Maxaasin Foundation oo deeq Timir ah ugu deeqay qoysas danyar ah

Date:

Hay’adda Gargaarka iyo arrimaha bani’aadanimada ee King Salman, oo kaashaneysa hay’adda Maxaasin Foundation, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka wada maalintii labaad qeybinta deeq Timir ah oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah.

Maalinkii labaad ee qeybinta ayaa lagu qabtay degmada Wadajir, halkaas oo 7,000 oo qoys ay ka faa’iideysteen.

Goobta lagu qeybiyay gargarkan waxaa goobjoog ka ahaa madax sare oo ka kala socday hay’adaha King Salman iyo Maxaasin Foundation. Dadkii deeqda helay ayaa uga mahadceliyay hay’adaha taageerada joogtada ah ee ay u fidinayaan bulshada danyarta ah ee Soomaaliyeed.

Deeqdan Timirta ah ayaa qeyb ka ah mashruuc ballaaran oo lagu taageerayo qoysas badan oo Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...