Taliyaha CBS oo kulan la qaatay ehalada Aabihii ay jirdilka u geysteen xubno ka tirsan ciidanka Amaanka

Date:

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa caawa kulan la qaatay ehalada Aabihii ay maanta jirdilka u geysteen xubno ka tirsan ciidanka Amaanka.

Ehelada Aabaha dhibanaha ah ayaa Taliyaha uga mahadceliyey siduu uga jawaabay dhacdada jirdilka ah ee ehel ahaan ay la kulmeen, waxayna aqbaleen raaligelinta ay madaxda sare kala kulmeen , iyagoona sheegay inaysan raali ka aheen in dhibta soo gaartay la siyaasadeeyo.

Kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi , Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi iyo Xildhibaan Yaasiin Fareey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...