Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeyb-galay shir la xariiro dhaqanka

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgaley Meertada 11-aad ee Madasha Caalamiga ah ee Dhaqanka oo lagu qabtay Magaalada Saint Petersburg ee dalka Russia.

Shirkaan oo ay ka qeybgalayaan wufuud ka socda in ka badan 40 dal iyo ururro caalami ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa ka faa’ideysiga iyo adeegsiga dhaqanka iyo diblomaasiyadda, si loo xoojiyo iskaashiga iyo nabadda caalamka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dhaqanka uu yahay aalad diblomaasiyadeed oo xoojineysa isku xirka bulshooyinka kala duwan ee caalamka,gaar ahaan xilligan oo dunidu ay soo food saartay caqabado kala duwan ayna hubaal tahay in dhaqanka uu noqdo afka mideyna kara fikradahaka kala duwan ee caalamka ka jira.

Madaxda kale ee shirkaasi ka soo qeybgaley ayaa iyaguna xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay in dunida laga badbaadiyo colaado iyo iska hor-imaadyo hor leh, iyadoo la xoojinayo muhimadda dhaqamada kala duwan ee caalamka ka jira, lana abuuro fursado loo wada siman yahay oo dunida nabad u horseeda, isla markaana la iska kaashado in colaadaha iyo dagaallada haatan socda lagu beddelo nabad, wada noolaansho iyo wax wadaqabsi.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa shirka, iyagoo ka wadahadley xoojinta iyo iskaashiga dhinaca horumarinta dhaqanka ee Soomaaliya iyo dalalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka jeediyay kulan Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka...