Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha waddada Daarusalaam  wajiga labaad, oo si casri ah loo dhisay.

Munaasabad kooban oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Maamulka Degmada Daarusalaam iyo qayb ka mid ah bulshada deegaanka ayuu Guddoomiyaha Gobolka xarigga uga jaray dhismaha waddadan cusub oo dhererkeedu gaarayo 4km.

Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam, Mire Salaad Dhuxuloow, oo ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir munaasbada ayaa mahadceliyay maamulka gobolka dadaalka horumarineed ee ka socda degmada, isagoo xusay in waddadani ay muhiim u tahay isku xirka xaafadaha cusub iyo fududeynta isu socodka bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay mashaariicda noocan ah in ay qeyb ka yihiin qorshaha maamulka ee lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-habeynta magaalooyinka iyo kor u qaadista adeegyada bulshada.

Munaasabadda xarigga jarka ayaa astaan u noqotay dadaallada maamulka gobolka uu ku doonayo inuu ku xoojiyo horumarinta iyo isku xirka xaafadaha cusub ee magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...