Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka oo sheegay in dib loo billaabay diiwaan-gelinta dadweynaha gobolka Banaadir

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in dib loo billaabay diiwaan-gelinta dadweynaha gobolka Banaadir, laga bilaabo 09-09-2025 illaa 30-ka September, 2025.

Guddoomiyaha ayaa tallaabadan ku macneeyay in taageerada ururrada cusub iyo siyaasiyiintooda ay fursad u helaan in ay is diiwaan geliyaan.

โ€œWaxaan dib u furnay diiwaan-gelinta dadweynaha gobolka Banaadir, laga bilaabo 09-09-2025 illaa 30-ka September, 2025, si taageerayaasha ururrada cusub ay fursad ugu helaan inay is diiwaan-geliyaan.โ€

Wuxuu sheegay guddoomiyihu inuu ku faraxsan yahay in dadkii dalkan usoo shaqeeyay, isla markaana keenay meeshay ay hadda Soomaaliya marayso ay ku qancaan in maanta ay qayb ka qaataad doorashada, wuxuuna intaa ku daray in howshii ay soo qabteen ay suurto gelisay in halkan lasoo gaaro.

Dadka maanta is diiwaan geliyay ayaa waxaa ka mid ahaa Raโ€™iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar C/rashiid Cali.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale