Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka oo sheegay in dib loo billaabay diiwaan-gelinta dadweynaha gobolka Banaadir

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in dib loo billaabay diiwaan-gelinta dadweynaha gobolka Banaadir, laga bilaabo 09-09-2025 illaa 30-ka September, 2025.

Guddoomiyaha ayaa tallaabadan ku macneeyay in taageerada ururrada cusub iyo siyaasiyiintooda ay fursad u helaan in ay is diiwaan geliyaan.

“Waxaan dib u furnay diiwaan-gelinta dadweynaha gobolka Banaadir, laga bilaabo 09-09-2025 illaa 30-ka September, 2025, si taageerayaasha ururrada cusub ay fursad ugu helaan inay is diiwaan-geliyaan.”

Wuxuu sheegay guddoomiyihu inuu ku faraxsan yahay in dadkii dalkan usoo shaqeeyay, isla markaana keenay meeshay ay hadda Soomaaliya marayso ay ku qancaan in maanta ay qayb ka qaataad doorashada, wuxuuna intaa ku daray in howshii ay soo qabteen ay suurto gelisay in halkan lasoo gaaro.

Dadka maanta is diiwaan geliyay ayaa waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar C/rashiid Cali.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka jeediyay kulan Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka...