Hay’adda SoDMA oo Balcad ka daah-furtay mashruuc raashin qeybin ah

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta degmada Balcad ka daah-furay mashruuc raashin qeybin ah oo socon doona saddex bilood, ka faa’iideysan doona 5,705 qoys (qiyaastii 34,230 ruux) oo ku nool magaalooyinka Balcad iyo Jalalaqsi ee Hirshabeelle.

Guddoomiyaha degmada Balcad, Qaasim Furdug, oo wafdiga kusoo dhaweeyay magaalada, ayaa shacabka ugu baaqay inay si hufan uga faa’iideystaan gargaarka, si loo yareeyo saameynta xaaladda bani’aadantinimo ee deegaanka.

Mashruuca ayaa lagu talagalay in lagu yareeyo dhibaatooyinka abaaraha iyo fatahaadaha. Xafladda furitaanka waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gargaarka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Yalaxow, iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay dadaallada hay’adda ee taageerada bulshada nugul, isagoo bulshada ku dhiirrigeliyay inay ka faa’iideystaan fursadaha muhiimka ah.

Masuuliyiinta deegaanka iyo dhaqanka ayaa ku ammaanay SoDMA kaalinta ay ka qaadanayso samata-bixinta bulshada, iyagoo xusay in tallaabadan ay astaan u tahay baahida loo qabo iskaashi bani’aadantinimo oo joogto ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...