Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

Date:

Intii uu socday Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Mudane Maxamed Isxaaq Daar.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, caafimaadka, iyo waxbarashada. Wasiir Cabdisalam ayaa ku amaanay taageerada Pakistan ee ardayda Soomaaliyeed, wuxuuna soo jeediyay in la ballaariyo taageerada dhinacyada amniga iyo tayeynta hay’adaha dowladda.

Waxay isla meel dhigeen in la is dhaafsado khibradaha la xiriira amniga, ciidamada, iyo caafimaadka, sidoo kalena la fududeeyo isu socodka muwaadiniinta labada dal iyo nidaamka fiisaha.

Wasiir Maxamed Isxaaq Daar ayaa dhankiisa cadeeyay sida Pakistan uga go’an tahay taageerida xasilloonida Soomaaliya iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...