Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Date:

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta kormeeray waddada Buundooyinka oo isku xirta degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee Gobolka Banaadir. Kormeerkan ayaa yimid kadib markii Duqa Muqdisho uu dhawaan bixiyay lacagtii dib-u-dhiska waddadan, oo hakad ugu jirtay kharash la’aan.

Mudane Cabdimajiid ayaa la kulmay shirkadda dhismaha waddada, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda waddadan u leedahay isu-socodka gaadiidka iyo bulshada. Wuxuu shaqaalaha ku boorriyay inay dardargeliyaan hawlaha si waddadu ugu dhammaato waqtigeeda, loona yareeyo ciriiriga ka jira waddooyinka kale ee magaalada Muqdisho.

Waddadan ayaa markii hore dhismaheeda la billaabay balse waxa ay hakad gashay muddo todoba bilood ah, kadib markii maamulka hore uu bixin waayay kharashka dhismaha. Si kastaba, dib ayaa loo billaabay shaqada horraantii bishan kadib markii Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) uu bixiyay lacagtii shirkadda dhismaha ay ku lahayd dowladda hoose.

Waxaa xusid mudan in Maamulka Gobolka Banaadir uu si buuxda u maalgeliyay waddooyin badan oo muhiim ah, iyadoo dhaqaalaha lagu dhisay laga soo jaray lacagihii si’ aan sharci ahayn ugu bixi jiray boqolaal qof oo aan u shaqeynin maamulka gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...