Madaxda Gobolka Minnesota oo Abaalmarinaya halyeeyada Soomaaliyeed

Date:

Hay’adda(VOS) ee fadhigeedu uu yahay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, 15-kii sanno ee ugu dambeeyey ka shaqeyneysay horumarinta iyo gacansiinta bulshada ayaa dabayaaqada sannadkan 2025, waxay soo agaasintay barnaamijka loogu magacdaray dhiirigelin bulsho (SHA)- Somali Hero Awards.

Cali Gaashaan oo ah aas aasaha hey’adda VOS ahna madaxweynaha Soomaali Hero Awars ayaa wakaaladda warka soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ay Soomaali hero astaanteedu tahay dhiirigelinta kuwa mudan.

Madashan maamuuska weyn leh waxaa isugu imaan doono dhammaan Soomaalida ku nool daafaha caalamka gaar ahaana kuwa kuhowlan wax qabadka bulshadooda, iyadoona lagu xusi doono halyeeyadii qarankeena usoo halgamay.

Abaalmarinta ayaa waxaa lagu bixin doonaa qaab Online ah, barta somaliheroawrds.com ayey bulshada ugu soo dhiiban doonaan codkooda si ay usiiyaan qofka u qalma, madax iyo marti sharaf qiima leh oo kasocda Hay’adda ayaa kamid ah dadka kasoo qeyb geli doona barnaamijka maamuuska halyeeyada.

Barnaamijka maamuuska haleyeeyada Soomaalida ayaa noqon doona mid la qaban doono sanadkii mar iyadoo la dhiirigelin doono kuwa mudan ee guuleystay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...