Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee tebinta Doorashooyinka

Date:

Aqoon isweydaarsigani oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeeb Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Warfaafinta HirShabeelle, oo taageero ka helaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNTMIS oo ujeedkiisu yahay kor u qaadista fahamka suxufiyiinta ee tabinta doorashooyinka si waafaqsan mabaadi’da anshaxa saxaafadda iyo xeerarka doorashooyinka dalka waxaana ka qeyb galaya 20 wariyayaal oo ah oo ka kala socda qeybaha Warbaahinta magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad Goboleedka HirShabelle.

Cabdiraxmaan Xuseen Waddani Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ku hadlay afka suxufiyiinta ayaa bogaadiyay tababarka tabinta doorashooyinka oo uu sheegay in uu ku soo aaday xilli loo baahnaa oo waddanku galayo doorashooyin.

Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Wasaaradda Warfaafinta XFS, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Xuseen, oo ka hadlay furitaanka tababarka ayaa xusay in tababarkan uu qeyb ka yahay dadaal ballaaran oo lagu xoojinayo kaalinta warbaahinta ee geeddi-socodka doorashooyinka, isagoo tilmaamay in tababaro la mid ah horey loogu qabtay Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusamareeb.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska HirShabeelle, Mudane Yaasiin Axmed Maxamuud, oo furay tababarka, ayaa mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta heer Federaal doorkooda ku aaddan horumarinta xirfadda suxufiyiinta, iyo sidoo kale taageerada ay bixiyeen UNTMIS ee suurta gelisay qabsoomidda aqoon isweydaarsigan waxaana uu ka qeyb galayaasha kula dardaarmay in ay dhaqan galiyaan waxa ka faa’iidaan tababarkani

Aqoon isweydaarsigan ayaa qeyb ka ah barnaamij qaran oo lagu xoojinayo awoodda warbaahinta Soomaaliyeed si ay door muuqda uga qaadato tabinta doorashooyin hufan si waafaqsan anshaxa iyo mabaadi’da saxaafadda iyo shuruucda doorashooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...