Dowladda oo dhaqangelisay nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah

Date:

Kaalinta Dad-dhigista ee dhisidda Kaabayaasha iyo Nidaamvada Dhijitaalkaah ee Aqoonsiga Sharci ee Qaaradda Afrika

Afrika waxay maanta xusaysaa Maalinta Sideedaad ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah (CRVS), oo ku beegan 10-ka Agoosto 2025. Xuskan oo sanadkii siddeedaad si xiriir ah loo qabanayo ayaa ah calaamad cad oo muujinaysa sida ay dawladaha Afrika uga go’an tahay inay soo afjaraan maqnaanshiyaha ay malaayiin muwaadiniin Afrikaan ah uga magan yihiin diiwaannada rasmiga ah, taas oo ka hor istaagta helitaanka xuquuqda, adeegyada aasaasiga ah, iyo ka qaybgalkahorumarka qaranka.

Maalinta Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah (CRVS) ee Afrika waxaa lagu aasaasay go’aankii ka soo baxay Kal-fadhigii 32-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika sanadkii 2018. Ujeeddada maalintan waa in kor loo qaado wacyiga ku saabsan muhiimadda nidaam CRVS oo shaqaynaya, isla markaana loo helo taageero buuxa oo lagu xoojinayo dadaallada qaran iyo kuwa goboleed. Sidoo kale, xuskan waa madal lagu mideeyo hay’adaha dowliga ah, bulshada rayidka, ururrada caalamiga ah, iyo daneeyayaasha kale si loo hubiyo in kheyraadka CRVS si hufan loo isticmaalo.

Sanadkan, halkudhegga mowduuca waa “Dad-dhigis ah Aasaaska Kaabayaasha iyo Nidaamyada Dhijitaalka ee Aqoonsiga Sharci ee Afrika”. Mowduucan wuxuu muujinayaa kaalinta muhiimka ah ee Dad-dhigistu ee dhismaha mustaqbal dhijitaal ah oo lagu kalsoonaan karo, loo wada dhan yahay, ammaan ah, isla markaana xaqiijinaya in qof walba lagu daro nidaamka rasmiga ah ee dowladeed.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxay ugu bishaareyneysaa in Dalkeennu uu maanta ka hirgelay adeegga dhijitaalka dad-dhigista mideysan, kaas oo ay adeegsadaan degmooyinka dalka marka ay diwaangelinayaan dhalashada, Guurka, Furiinka iyo Dhimashada, diiwaankasta waxaa uu kujiri doonaa diiwaanka qaranka, waxaana uu xal u noqonayaa caqabadaha soo noqnogday iyo culeyska kajira helidda cadeymaha dhalashada, guurka, furiinka iyo dhimashada.

Hirgelinta wajiga hore ee adeegga waxaa uu ka dhaqangalay 19 degmo oo ku kala yaala Dowlad_Goboleedyada Jubbaland, Koonfurgalbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Waqooyi Bari waxaa ayna kala yihiin: Caabudwaaq, Cadaado, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Balcad, Warsheekh, Buuloburde, Baladweyne, Jowhar, Afmadow, Buuloxaawo, dhoobley, Garbahaarey, Kismaayo, Baraawe, Diinsoor, Waajid, Xudur, Laascaanood.

Wasaaraddu waxay hadda gacanta ku haysaa sidii nidaamka iyo Adeegga Dhijitaalka ee Dad-dhigista Midaysan loogu xiri lahaa adeegyada Dawladda sida: Caafimaadka, Waxbarashada, Aqoonsiga Qaranka iyo Baasaboorka iyo Socdaalka. Sidoo kale, Wasaaraddu waxay qorshaynaysaa adeegga Dhijitaalka ee Dad-dhigista Midaysan lagu fidiyo lana gaarsiiyo heer gobol iyo heer degmo si loo gaaro dadka ku nool meelaha fogfog.

Ugu dambeyn, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku xoojinaysaa baaqa Afrika ee ku aaddan in Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga la hormariyo si loo xaqiijiyo in dhammaan muwaadiniinta Qaaradda Afrika u noqdaan kuwa tirsan oo ku jira diiwaanka rasmiga ee Dawladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...