Wasiirka Amniga Gudaha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dalka Ciraaq

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dalka Ciraaq oo uu hoggaaminayo La-taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Sarreeye Guud Ziyad Daha Cali iyo Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caaalmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ciraaq Sarreeye Gaas Calaa Canshuur Manaati oo maanta dalka ku yimid booqasho rasmi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Ciraaq, iyadoo si gaar ah looga hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, tababarrada ciidamada iyo isdhaafsiga khibradaha.

General Fartaag oo uga mahadceliyey safarka ay ku yimaadeen dalka, ayaa xusay in booqashadani ay tahay tallaabo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinaca amniga.

Booqashadani waxa ay daba socotaa safarkii uu Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya uu ku tagay dalka Ciraaq iyo hishiiskii iskaashiga Amni ee Labada wasaarood ay Kala saxiixdeen, kuna qotomay Xoojinta iskaashiga dhinaca Amniga, isdhaafsiga khibradaha iyo ka faa’iideysiga khibrada Ciraaq ee dhinaca la dagaalanka argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...