Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan khawaarijta oo lagu qabtay dagaalkii Bariire

Date:

Weriye Zakariye Qaasim Bagax oo ku sugan Bariire ayaa la kulmay labo ka mid ah maxaabiista dagaalka ee Khawaarijta looga qabtay howlgalkii guuleystay ee Bariire, midka koowaad, horjoogayaasha arxanka daran ee Khawaarijta ayaa silsilad kula xiray Geed weyn, iyagoo ku talagalay in uu dagaalamo ilaa inta uu ka dhinto, balse geesiyaasha Qaranka ayaa nolosha ku qabtay.

Kan labaad waxaa la qabtay isagoo dhaawac ah, waxaana hadalladiisa laga fahmay inuu yahay horjooge dhagar badan, wuxuu sheegay in maleeshiyaadkii uu watay oo dagaalka lagu laayey uu gurmad ahaan uga keenay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Wareysiyo xasaasi ah oo xog badan ay ku soo bandhigayaan xubnahaan maxaabiista ah ayaad saacadaha soo socda ka daawa doontaan Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Warbixinta Madasha Daneeyayaasha Kalluumeysiga Soomaaliya

Hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed (HCBS), oo kaashanaysa Magan Forum,...

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed...

Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Mudane...