Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

Date:

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa sheegay in halgankii ay dadka deegaanku galeen ay haweenku ka qaateen door muuqda oo muhiim ah. Wuxuu xusay in dadaalkii iyo ka qayb-qaadashadii haweenka aysan aheyn mid la hilmaami karo, maadaama ay si buuxda uga qayb qaateen dhammaan marxaladihii halganka.

“Maanta, dowladda dhexe waxay xaqiijisay qoondada haweenka ee maamulka Waqooyi Bari, taas oo ka tarjumeysa kaalintii ay ka qaateen halganka,” ayuu yiri Garaad Jaamac

Waxaa xusid mudan in qoondadan la xaqiijiyey ay haweenka u suurtagelin doonto inay si rasmi ah uga qayb qaataan go’aanada maamulka, horumarka bulshada, iyo kobcinta dhaqaalaha gobolka.

Masuuliyiinta maamulka Waqooyi Bari ayaa sidoo kale sheegay in ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan haweenka, si ay door muuqda ugu yeeshaan dhismaha bulshada iyo hogaanka deegaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka amniga Koofur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...