Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha dhijitaalka nidaamka maareynta maaliyadda

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Qaranka, masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen, si looga hortago khasaaraha gaari lahaa shacabka degmada Balad-Xaawo. Waxaana goluhu ku ammaanay qeybaha kala duwan ee bulshada garab istaagga ay u muujiyeen dowladnimada iyo ka shaqeynta nabadda gobolka Gedo, haddana ay ka shaqeynayaan xaruumihii dowladda ee bixin jiray adeegyada.

Golaha Wasiirrada, ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka ah ay mudnaanta siineyso dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, hadafkeeduna uu yahay sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen nabad, xasillooni iyo adeeg dowladeed oo dhammaystiran, cid kasta oo ka shaqeynaysa daganaansho la’aanna ay carqaladeynayso dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Dhijitaalka Nidaamka Maareynta Maaliyadda, iyo Xisaab-xirka sanadeedkii 2024.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Awqaafta oo kormeer ku tegay Hoteeladda Makka ee laga rarayo xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...