Maxay ka wada hadleen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo ururka Haweenka SSC-Khaatumo?

Date:

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee SSC-Khaatumo ayaa maanta xarunta dhexe ee Guddiga ee ku taalla magaalada Laascaanood kulan kula yeeshay qayb ka mid ah ururada haweenka ee SSC-Khaatumo.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray Diiwaangelinta guud ee codbixiyeyaasha SSC-Khaatumo iyo Kobcinta doorka haweenka ee ka qaybgalka doorashooyinka, gaar ahaan doorashooyinka soo socda ee goleyaasha deegaanka.

Guddoomiyaha Guddiga Maxamuud Jaamac Banaf ayaa tilmaamay in haweenku yihiin laf-dhabarta bulshada, isla markaana ka qaybgalkooda doorashada uu muhiim u yahay horumarka dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska SSC-Khaatumo, Waxaa kale oo uu sheegay Guddigu diyaar u yahay inuu si buuxda u taageero haweenka doonaya inay ka mid noqdaan liiska codbixiyeyaasha iyo musharraxiinta doorashooyinka.

Dhankooda, haweenkii ka socday bulshada rayidka ah ayaa soo bandhigay aragtiyo, talooyin iyo baahiyo la xiriira fududeynta helitaanka warbixin, kor u qaadidda wacyigelinta haweenka iyo samaynta barnaamijyo loogu diyaarinayo doorashooyinka deegaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...