Guddiga Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda oo qabtay xaflad lagu abaal-marinayo xubnihii ka qeyb qaatay dabaal-degyada

Date:

Guddiga Qaran ee Qaban-qaabada Toddobaadka Xorriyadda ee soo agaasimay munaasabadihii waaweynaa ee dalka ka dhacay ayaa galabta qabtay xaflad ay ku abaal-mariyeen xubnihii sida tooska ah uga qeyb qaatay munaasabadihii iyo dabaal-degyadii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddiga ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Warbaahinta Qaranka, Warbaauhinta gaarka loo leeyahay, Dhallinyaradii dabaal-degga uga qeyb qaadatay baraha bulshada, Saraakiisha Ciidamada Qaranka iyo xubno kale oo ka qeyb qaatay munaasabadihii toddobaadka xorriyadda Soomaaliya.

Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa dhalinyaradii abaal-marinta la guddoonsiiyey iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay munaasabadihii dhacay uga mahadceliyey doorkooda, iyagoo kula dardaarmay in midnimada, nabadda iyo gobanimada umadda Soomaliyeed ay adkeeyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...