Guddiga Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda oo qabtay xaflad lagu abaal-marinayo xubnihii ka qeyb qaatay dabaal-degyada

Date:

Guddiga Qaran ee Qaban-qaabada Toddobaadka Xorriyadda ee soo agaasimay munaasabadihii waaweynaa ee dalka ka dhacay ayaa galabta qabtay xaflad ay ku abaal-mariyeen xubnihii sida tooska ah uga qeyb qaatay munaasabadihii iyo dabaal-degyadii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddiga ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Warbaahinta Qaranka, Warbaauhinta gaarka loo leeyahay, Dhallinyaradii dabaal-degga uga qeyb qaadatay baraha bulshada, Saraakiisha Ciidamada Qaranka iyo xubno kale oo ka qeyb qaatay munaasabadihii toddobaadka xorriyadda Soomaaliya.

Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhalinyaradii abaal-marinta la guddoonsiiyey iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay munaasabadihii dhacay uga mahadceliyey doorkooda, iyagoo kula dardaarmay in midnimada, nabadda iyo gobanimada umadda Soomaliyeed ay adkeeyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/W Ku-xigeenka oo daah furay Wareegga 7-aad ee Sahanka Tusayaasha Badan ee Soomaaliya

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday xarunta warshadaha tamarta ee Ningxia

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Hay’adda SoDMA oo Balcad ka daah-furtay mashruuc raashin qeybin ah

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdille,...

Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

Intii uu socday Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha...